Booliiska Koofur Afrika oo raadinaya Burcad Dhimasho & Dhaawac u geysatay Soomaali.

0
407

Booliiska Koofur Afrika oo raadinaya Burcad Dhimasho & Dhaawac u geysatay Soomaali.

Booliiska Koofur Afrika ayaa baaris kuwada kooxo burcad ah oo u dhashay Dalkaas oo dhimasho iyo dhaawac u geystay Dhalinyaro Soomaali ah oo ku ganacsanayay Magaalada Cape Town gaar ahaan Xaafadda Strand.

Ciidanka Booliiska oo goobta dilka ka dhacay tagay ayaa diiwaangeliyay dhacdadaan, Saraakiisha hoggaamineysay ayaa Soomaalidii gurmad ahaanta ugu tagtay dhibbanayaasha u sheegay in ay baaris ku sameynayaan kiiskaan.

Kooxda la raadinayo waxa ay toogatay AHUN Cabdirashiid Axmed Sheekh, halka ay dhaawacday labo muwaadin oo kale oo la geeyay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka si looga daweeyo dhaawaca soo gaaray.

Booliiska Koofur Afrika ayaa marka dilalka, dhaawaca iyo dhaca ay geystaan Kooxaha burcadda ah taga Goobaha falalkaas ka dhacaan, waxa ay su’aalo weydiiyaan dadka goobjooga u ah dhacdooyinkaas balse dib uma faah-faahiyaan natiijada baaristooda kasoo baxda.

Koofur Afrika waxaa lagu dilay ajaanib Soomaali ay kamid tahay, Dowladdu waxa ay sheegtay in ay wax ka qabaneyso falalkaas inkasta oo bilaha qaar ay kala badan yihiin diiwaangelinta weerarada burcadda hubeysan geysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here