Baarlamaanka Dalka Ciraaq Oo Ansixiyay Sharci Ka Cadhaysiiyay Israa’iil
Baarlamaanka Ciraaq ayaa meelmariyay sharci dalkaas ka mamnuucaya inuu xiriir la yeesho Israa’iil, ciddii arrintaa ku dhaqaaqdana ay mutaysan karto xukun dil ah ama xabsi daa’in.
Xeerkan oo Khamiistii uu ansixiyay baarlamaanka ayaa waxaa taageeray 275 kamid ah xubnaha baarlamaanka dalkaas oo ka kooban 329 xildhibaan.
Qoraal ka soo baxay baarlamaanka ansixinta kadib ayaa lagu sheegay in “sharciga uu yahay mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka.”
Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa xeerka ku tilmaantay mid walaaciisa leh, isla markaana ay ka muuqato Yuhuud naceyb.
Ma jiro xiriir diblomaasi oo u dhexeeya Ciraaq iyo Israa’iil, muwaadiniinta iyo shirkadaha laga leeyahay dalkaas Carbeed-na waxaa mamnuuc ka ah inay booqdaan Israa’iil.
Xeerkan ayaa waxaa ka shaqeeyay wadaadka Shiicida ah ee Muqtada al-Sadr, kaasoo uu xisbigiisa ku caan baxay naceybka Israa’iil iyo Maraykanka uu guul ballaaran ka soo hoyay doorashadii baarlamaanka ee dhacday October-tii la soo dhaafay.
Wakaaladda wararka Ciraaq ee INA ayaa sheegtay in xeerkan uu khuseeyo dhammaan dadka dalkaas ku nool, muwaadiniin iyo ajaanibta ba. Sidoo kale, waxaa ku qasban inay u hogaansamaan shirkadaha ka hawlgala dalkaas.
Qadiyadda Israa’iil ayaa noqotay tan keliya ee midaysan baarlamaanka Ciraaq oo intii muddo ah wax heshiis ah ka gaari la’ khilaafka siyaasadeed ee horseeday in dalkaas uu yeelan waayo madaxweyne iyo xukuumad cusub.
Taageerada shacabka
Boqolaal qof oo taageersan xeerka cusub ayaa isugu soo baxay fagaaraha Taxriir ee caasimadda Baqdaad, kadib markii uu sidaa ka codsaday Muqtada al-Sadr.
Go’aankan ayaa u muuqday mid hogaamiyahan uu ku doonayo in Iran uu ugu muujiyo sida uu u diidan yahay Israa’iil oo ay xurguf kala dhaxayso xukuumadda Tehran.
Horraantii sanadkan, Iran ayaa tobanaan gantaallada ballistic-ga loo yaqaan ku riday magaalada Irbil ee waqooyiga Ciraaq, iyadoo sheegtay in bartilmaameedkeedu ahaa xarun ay leeyihiin sirdoonka Israa’iil.
Bilooyin ka hor, maamulka Kurdiyiinta ee ka arrimiya Irbil ayaa qabtay shir uu ku taageerayo in Ciraaq ay xiriir la yeelato Israa’iil, si lamid ah dalalka kale ee dhawaan la heshiiyay waddankaas.
Waddamada Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa xiriir toos ah la yeeshat Israa’iil kadib dedaal uu arrintaa geliyay maamulkii hore ee Maraykanka.
Waddamadaas ayaa sheegay in Israa’iil ay wadaagaan walaaca ku aaddan khatarta uga íman karta xukuumadda Tehran oo galaangal xooggan ku leh Bariga Dhexe.