Al-Shabaab Oo Dagaal Xooggan Kula Wareegay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

0
285

Al-Shabaab Oo Dagaal Xooggan Kula Wareegay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka aan ka heleyno deegaanka lagu magacaabo Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku warramayaan in saqdii dhexe ee xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Al-shabaab.

Dagaalka oo sacday saacado ayaa waxaa dhinacyada isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in dagaalka uu markii hore ka bilowday weerar ay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Goobo oo Saldhig ku leh ciidamada.

Khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasoo weriyey inuu ka dhashay dagaalka, in kastoo aan tirada rasmiga ah ee dhiancayada dagaalamay kala gaaray aan la ogeyn, maadaama saqdii dhexe ee xalay uu dhacay dagaalkaas oo ahaa mid xooggan.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in dagaal ay kula wareegeen Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, isla markaaana ay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa macwiisleyda ah.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan Warka Shabaabka ku sheegeen inay qabsadeen Goobo oo ay saldhig ku lahaayeen ciidamada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here