Madaxweyne Caan ah oo hurdo ka doorbiday in uu ka qeyb galo Shirar caalami ah

0
717

Madaxweyne Caan ah oo hurdo ka doorbiday in uu ka qeyb galo Shirar caalami ah

Madaxweynaha mayalka adag ee dalka Philippine Rodrigo Duterte ayaa la sheegay in uu ka baaqday ka qeyb galka shirar kala duwan, waxaana sababta uu shirarkaasi uga baaqday lagu sheegay in uu qaadanayay nasiino.

War kasoo baxay dowlada Philippine  ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ka baaqday shirar caalami ah iyo munaasabado, waxa ayna dowladu sheegay in Madaxweynaha uu ka nasanayay shaqada una baahnaa in uu hurdo.

Afhayeenka u hadlay dowlada Philippine ayaa sheegay in Madaxweynaha shalay ka baaqday in uu ka qeyb galo munaasabado iyo shirar, waxa uuna xusay Afhayeenka in Madaxweynaha uu ku jiray hurdo iyo nasiino.

Madaxweyne Rodrigo Duterte oo 73-sano jir ah ayaa difaacay nasiinasa iyo hurdada uu galay, waxa uuna is weediiyay maxaa ka khaldan hurdadeyda isaga oo u jawaabayay dadka ku dhaliilayay waqtiga dheeraadka ah uu hurdada ku qaatay.

Afhayeenka dowlada Philippine ayaa meesha ka saaray in  nasiinada uu galay Madaxweynaha sabab u tahay xaalad caafimaad daro, waxa uuna xusay afhayeenka in Madaxweynaha aad u fiican yahay uuna helay nasiino ku filan.

Madaxweynaha dalka Philippine ayaa horey sidan oo kale uga baaqsaday in uu ka qeyb galo munaasabado iyo shirar ka dhacayay dibada iyo gudaha dalkiisa, waxaana Madaxweynaha waqtiyo badan ku bixiyay nasiino.

Rodrigo Duterte ayaa sanadkan xili uu ka qeyb galayay shirweyne caalami ah la arka isaga oo hurdayay, waxaana Madaxweynaha la sheegay in uu daal badan qabo una baahan yahay nasiino ku filan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here