Ehelka Badmaaxiyiin u afduuban Burcad Badeed Soomaali ah oo dibadbax dhigay
Ehelka 10 Badmaax oo u dhashay Dalka Pakistan isla markaana ay haystaan Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ayaa dhigay dibadbax ay ku dalbadeen in dib xorriyaddooda loogu siiyo Dadkooda oo si qasab ah u afduuban.
Dadkaan oo ku dibadbaxay Magaalada Magaalada Karachi waxa ay walaac ka muujiyeen ehelkooda ku jira gacanta Kooxaha Burcad Badeeda iyaga oo fariin codsi ah u diray Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan si dadkaas looga soo daayo gacanta burcadda.
Waxa ay intaas ku dareen in 10ka Badmaax ay xogtooda si joogta ah u helin sabab la xiriirta cadaadiska uga imaanaya Kooxaha Burcad badeedda oo doonaya in si degdeg ah loo siiyo lacagaha ay dul dhigeen madaxooda.
Niyad xumo ka muujiyeen dedaallada caga jiidka ah ee Dowladdoodu ay ku bixinayso sii daynta Ehelkooda gacanta ugu jira Kooxaha Burcad Badeedda oo khatar aan la dayalsan Karin ah halisna ay dadkaas ku jiraan sida ay ku doodeen.
























