Thursday, September 3, 2026
Home WARAR Faahfaahinta dagaal khasaare dhaliyay oo ka socda magaalada Baydhabo

Faahfaahinta dagaal khasaare dhaliyay oo ka socda magaalada Baydhabo

0
55

Faahfaahinta dagaal khasaare dhaliyay oo ka socda magaalada Baydhabo

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed, ka dib markii Ciidamo taabacsan Laftagareen ay weerar ku qaadeen magaaladaasi.

Gudaha magaalada Dhaqdhaqaaqa gaadiidka ayaan shaqeynayn, iyadoo dadka ay si caadi ah u lugeynayaan.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay iska hor imaadka u dhaxeeya Hay’adaha Amniga heer Federaal, Dowlad Goboleed iyo Askartan taabacsan Laftagareen.

Militeriga Soomaaliya gaar ahaan Gorgor iyo Askarta Daraawiishta Koofur Galbeed oo gacanta ku haya amniga Caasimadda KMG ah ee Baydhabo ayaa wada howlgallo ay dib ugu soo celinayaan Nabadda Magaalada.

Tiro dhaawacyo ah ayaa la xaqiijiyay in la geeyay goobaha Caafimaadka ee magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo ilaa hadda aan la soo warin dhimasho.

Dagaalkan ayaa ku soo aadaya xilli Maamulka Koofur Galbeed uu Liiska Argagixisada ku daray Hoggaamiyahii hore ee dowlad goboleedkaasi, Cabdicasiis Laftagareen oo ciidamadiisa sidaan oo kale dhowr jeer weerar ku soo qaadeen gudaha magaalada Baydhabo.