Imaaradka Carabta oo Muwadin Soomaaliyeed ku wareejiyay dalka Netherlands
Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Netherlands u gacan gelisay nin Soomaali heysta dhalashada Dutch-ka, kaas oo hore loogu xukumay dambiyo la xiriira ka ganacsiga daroogada, dhaqidda lacagaha iyo dambiyada abaabulan.
Ninkan oo baxsad ahaa ayaa muddo ay raadinayeen ciidamada booliska Netherlands ee u qaabilsan raadinta dadka dalka ka baxsada kadib marka lagu xukumo dambiyada
Waxaa lagu qabtay Imaaraadka Carabta, waxaana uu ogolaaday habka degdegga ah ee maxkamad-dhiibidda, taas oo sahashay in si dhaqso ah loogu soo celiyo Netherlands.
Mas’uuliyiinta Netherlands ayaa xaqiijiyay in ninkan uu Jimcihii subaxnimadii ka degay garoonka diyaaradaha Schiphol.
Maxkamadda Degmada Waqooyiga Netherlands ayaa bishii November 2022 ku xukuntay lix sano oo xabsi ah.
Sida ay sheegtay Xafiiska Xeer Ilaalinta Dadweynaha Netherlands, ninku weli wuxuu u harsanaa 2,025 maalmood, oo u dhiganta qiyaastii shan sano iyo 200 maalmood, inuu xabsiga ku qaato.
























