RW Soomaaliya oo Xildhibaannada Golaha Shacabka ugu baaqay in ay furtaan Akoonno TikTok
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ugu baaqay in ay furtaan Akoonno TikTok isaga oo xusay in Xildhibaanka aan koonto ku lahayn Bartaas sida uu ugu jiro karo Baarlamaanka.
Xamsa ayaa tusaale usoo qaatay Guddoomiyaha Baarlamanaka cusub ee todobaadkaan la doortay, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo bartaas ugu soo caan-baxay isaga oo is dulsaaray mid kamid ah heesaha Maamulka Galmudug.
Heestii Cabdulqaadir uu iska soo duubay waxa uu ka dhaxlay qayb kamid ah ereyadii ku jiray oo ah “Maanta oo kalena Madaxaa na furan” oo xitaa isku garanayo maadaama dadku intooda badan ay u garanayaan (Madaxaa na furan).
“Qof kasta oo idinka kamid ah waa in uu TikTok furtaa, Qof aan tiktok furan sida uu Baarlamaanka ugu jiri karo ma garanayo, bal horta TikTok furta” Sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.
Aaladda TikTok waxaa fikraddeeda la meelmariyay sannadkii 2016, waxaa si rasmi ah loo shaaciyay sannad kaddib waa 2017 halka App-ka maanta la adeegsado uu noqday mid rasmi ah sannadkii 2018 sida ku xusan barta shirkaddaas.
























