Home WARAR Dowladda Liibiya oo shaacisay in ay dalkeeda ka soo masaafurisay 14 muhaajiriin...

Dowladda Liibiya oo shaacisay in ay dalkeeda ka soo masaafurisay 14 muhaajiriin Soomaali ah

0
32

Dowladda Liibiya oo shaacisay in ay dalkeeda ka soo masaafurisay 14 muhaajiriin Soomaali ah

Maamulka xarun lagu hayo dadka muhaajiriinta ah oo ku taal bariga magaalada Tripoli ayaa ku dhawaaqay in dalkooda dib loogu celiyay 14 muwaadin oo u dhashay dalka Soomaaliya.

Dadkaan oo u badan dhalinyarro ayaa laga soo safriyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Mitiga, iyadoo ay iska kaashadeen hay’adaha ay khuseyso.

Xarunta ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in tallaabooyinkan ujeedkoodu yahay in lagu xakameeyo socdaalka sharci-darrada ah.

Sidoo kale, maamulka ayaa tilmaamay in hawlgallada dib-u-celinta iyo masaafurinta ay sii socon doonaan.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli dalalka Waqooyiga Afrika ay kordhiyeen cadaadiska ay ku hayaan muhaajiriinta ku sugan dhulalkooda, iyadoo qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta Soomaalida ah ay ku go’doonsan yihiin xarumaha dadka lagu hayo ee dalka Liibiya.