Home WARAR Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku...

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

0
37

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday saameynta ay ku lahaayeen gudaha dalka Mareykamka, sabab la xariirta xogaha lagu baahiyo Baraha Bulshada.

Wareysi uu siiyays taleefishinka ABC News, Netanyahu ayaa xusay inuu Dareensan yahay isbeddelka ku yimid ra’yiga dadweynaha Mareykanka, kuwaas oo markii hore ahaa Xulafada ugu weyn ee Israel, balse hadda bilaabay inay dhaleeceyaan nidaamka ka jira dalkaas.

Sida ay tilmaameyso xog aruurin la sameeyay, 42% dadka Mareykanka ayaa hadda si taban u arka dadka Israel, marka la barbar dhigo 28% oo ay ahayd sannadkii 2019.

Taageerada ay dadka Mareykanka u hayaan dowladda Israel ayaa hoos uga dhacday 41% iyada oo gaartay 32% isla muddadaas gudaheed.

Netanyahu ayaa walaac ka muujiyay in Israel ay weydo taageerada labada xisbi ee Mareykanka, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay tiir-dhexaadka amniga dalkiisa.

Hoos u dhaca taageerada Israel ee gudaha Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Netanyahu ay wajaheyso culaysyo caalami ah oo aan horay loo arag.

Bishii November 2024, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ICC ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant, iyada oo lagu eedeeyay dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhanka ah bini’aadantinimada.

Tan iyo bishii Oktoobar 2023, weerarada Israa’iil ay ku heyso Marinka Qasa ayaa sababay dhimashada in ka badan73,000 oo qof.

Inkasta oo heshiis xabbad-joojin ah la gaaray bishii Oktoobar 2025, haddana Israa’iil waxay sii waddaa weerarrada ay ku hayso deegaannadaas, taas oo sii kordhisay carada caalamiga ah iyo tan shacabka Mareykanka.