Home WARAR Taliyaha Ciidanka Booliiska Jabuuti oo soo gaarey Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliiska Jabuuti oo soo gaarey Muqdisho

0
19

Taliyaha Ciidanka Booliiska Jabuuti oo soo gaarey Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Jabuuti, Kolneyl Cabdiraxmaan Cali Kaahin, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Booqashada Taliyaha ayaa timid ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi.

Socdaalkan ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka labada ciidan iyo sidii dowladda Jabuuti ay kaalin mug leh uga qaadan lahayd horumarinta iyo tayeynta Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Cabdiraxmaan Cali Kaahin oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in ujeedka booqashadiisa ay tahay sidii ay khibrad iyo taageeraba uga geysan lahaayeen dhismaha ciidanka, isagoo xusay inuu doonayo inuu u kuur-galo xaaladda dhabta ah ee ciidanka.

โ€œWaxaan doonayaa in aan maro gobollada dalka oo aan ogaado xogta rasmiga ah ee Ciidanka Soomaaliyeed, si aan u ogaano baahiyaha jira iyo halka ay nooga aaddan tahay kaalinta walaaltinimada ah ee aan ku taageerayno,โ€ ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in iskaashiga dhanka amniga iyo tababarrada ee ka dhexeeya labada dal uu yahay mid soo jireen ah, booqashadanina ay tahay mid dhabaha u xaaraysa iskaashi intaas ka ballaaran oo dhex mara booliska labada waddan.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Jabuuti booqashada uu ku yimid Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay mid muujinaysa xiriirka qotada dheer iyo walaaltinimada ka dhaxaysa labada shacab iyo labada dowladood.