Home WARAR ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข ๐‡๐จ๐ซ๐ž...

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข ๐‡๐จ๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐ข๐๐š ๐‰๐’๐‹

0
21

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta xilka banneeyey.
Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyey kalsoonida ay Golaha Guurtidu ugu doorteen hoggaaminta Golaha, isaga oo u rajeeyey in Alle SWT ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday, kuna guulaysto xoojinta doorka Golaha Guurtida ee ilaalinta nabadda, xasilloonida, wadajirka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Qaranka.
Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyihii hore ee Golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan si qoto dheer ugaga mahad naqay muddada dheer ee uu u soo adeegayey dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyihii hore ee Golaha Guurtida ku bogaadiyey hoggaamintiisii iyo sida hagar laโ€™aanta iyo xikmadda lahayd ee uu ugu soo adeegaye