Home WARAR Muwadiniin Soomaaliyeed oo xaalad nololeed ku wajahaya dalka Hindiya

Muwadiniin Soomaaliyeed oo xaalad nololeed ku wajahaya dalka Hindiya

0
32

Muwadiniin Soomaaliyeed oo xaalad nololeed ku wajahaya dalka Hindiya

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa sheegaya in 43 muwaadin oo Soomaali ah, kuwaas oo ku xiran xabsiga magaaladaas, ay wajahayaan xaalado nololeed oo ay ugu horreyso cuno yari.

Raggan oo ay ciidamada badda ee Hindiya soo qabqabteen bishii Maarso ee sannadkan 2024, ayaa loo haystaa eedeymo la xiriira burcad-badeednimo.

Waxay maxkamadda horteeda ka sheegeen inay ku dhibaataysan yihiin xabsiga muddo dheer, iyagoo la tacaalaya fahamka bulshada sida Luuqada iyo cunada.

Waxay sidoo kale sheegeen in aysan jirin cid ehelkooda ama saaxiib la socda xaaladooda.

43 qof ayaa weli la xukumin, waxaana xeer ilaalinta Hindiya ay sheegeen in 9 kamid ah lagu soo qabtay Markab Kalluumeysi oo ay leedahay Iiraan, halka tirada kalena gacanta lagu soo dhigay xilli ay socdeen howlgallo kale.

Maxaabiistan ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay ka soo jawaabto codsigooda ku aadan in wax laga qabto xaaladooda, maadama ay wajahayaan halis nololeed.

Ilaa hadda Dowladda Soomaaliya kama hadlin xaalada muwadiniintan ku xiran dalka Hindya.