Home WARAR Wararkii u dambeeyay dagaalka Mareykanka iyo Iiraan

Wararkii u dambeeyay dagaalka Mareykanka iyo Iiraan

0
18

Wararkii u dambeeyay dagaalka Mareykanka iyo Iiraan

Dagaalka Mareykanka iyo Iiraan ayaa mar kale dib u billaawday, iyadoo saacadihii la soo dhaafay labada dhinac ay fuliyeen weeraro.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegtay inay weerareen saldhigyada Mareykanka ee dalalka Kuwayt iyo Baxrayn, iyagoo ku tilmaamay inay tillaabadani aheyd mid aargoosi ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Iiraan ayaa lagu shaaciyay in weerarka ay u adeegsadeen gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo lagu arkay hawada Saldhigyada ciidan ee Cali Al Salem oo ku yaalla Kuwayt, iyo sidoo kale saldhigyada Juffair iyo Sheekh Ciise ee dalka Baxrayn.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa isugu dhankiisa weeraro isugu jira gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn la beegsanaya bartilmaameydyo ku yaalla Iiraan.

Qaraxyo ayaa laga soo sheegay magaalooyin ku yaalla dalka Iiraan oo ku teedsan Marinka Hormuz, kuwaas oo ay ka mid yihiin Bushehr, Chabahar, Bandar Abbas, Sirik, Jask iyo Jasiiradda Abu Musa.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay magaalada Iranshahr, sida ay sheegeen Saraakiisha Caafimaadka Iiraan.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa muujinaya in ay gabi ahaanba burburtay xabbad joojinta Mareykanka iyo Iiraan.