Home WARAR MW Xasan Shiikh oo dallacsiiyay saraakiil ciidan oo ku geeriyooday furimaha hore

MW Xasan Shiikh oo dallacsiiyay saraakiil ciidan oo ku geeriyooday furimaha hore

0
53

MW Xasan Shiikh oo dallacsiiyay saraakiil ciidan oo ku geeriyooday furimaha hore

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta dallacsiiyay saddex sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), kuwaas oo ku geeriyooday dagaallo ka dhacay gobollada Baay iyo Jubbada Hoose.

Dallacaaddan ayaa ah mid sharafeed, iyadoo saraakiisha helay ay kala yihiin:

  1. G/dhexe Yoonis Aadan Xasan: Taliyihii hore ee Guutada 9-aad, Qaybta 60-aad ee

Ciidanka Dhulka XDS, kaas oo loo dallacsiiyay darajada Gaashaanle Sare.

  1. G/leCali Cadow Maxamed: Taliyihii hore ee Guutada 8-aad, Qaybta 60-aad

ee Ciidanka Dhulka XDS, kaas oo loo dallacsiiyay darajada Gaashaanle Dhexe.

Labada sarkaal ee sare ayaa ku shahiiday dagaal dhawaan ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyagoo hoggaaminayay howlgallada ka dhanka ah AS.

  1. Dhamme Ibraahim Shuuriye Nuur: Taliyihii hore ee Hurinta Gaarka ah ee Ciidanka Danab ee ka hawlgalla gobollada Jubooyinka, kaas oo loo  dallacsiiyay darajada Dhamme.