Home WARAR Iiraan oo ku hanjabtay in ay jawaab militari ka bixinayso duqaymaha Israa’iil...

Iiraan oo ku hanjabtay in ay jawaab militari ka bixinayso duqaymaha Israa’iil ee Lubnaan

0
57

Iiraan oo ku hanjabtay in ay jawaab militari ka bixinayso duqaymaha Israa’iil ee Lubnaan

Dowladda Iiraan ayaa ku hanjabtay in ay tallaab Militari ka qaadayso Israa’iil haddii aysan joojin duqaymaha ay ka fulinayso Koofurta Lubnaan, Tehran ayaa xustay in heshiiska ay la gashay Maraykanka uu qayb ka yahay u gaarsiga saaxiibadeed Gobolka.

Mas’uuliyiin katirsan Iiraan ayaa tilmaamay in ay haatan qorsheynayaan jawaabta ku habboon Israa’iil oo diidan heshiiska ay la galeen Maraykanka maadaama weerarrada ay gaysanayso ay yihiin kuwo ka dhan ah xasiloonida Bariga Dhexe.

Sarkaal sare oo katirsan Ciidanka ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in duqaymaha iyo weerarrada ay u qorsheynayaan Israa’iil ay noqon doonnaan kuwo ku qasbi doonna in ay qaataan nabadda isla markaana ku joojin doonto duullaankeeda Lubnaan.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in uusan jeclaysan colaadda ay daba joogto Israa’iil oo dalkiisa isku halaynayso, isaga oo ka hadlay Shir madaxeedka G7 Waxa uu intaas ku daray in xiligaan la joogo dad badan lagu dilay weerarrada dhacay.

19ka Bishaan oo Jimcaha ku beegan waxaa la saxiixi doonnaa heshiis lagu soo afjarayo colaadda Bariga Dhexe ee Maraykanka iyo Iiraan, inkasta oo Israa’iil aanay qayb ka ahayn haddana Tehran waxa ay ku goodisay in ay beegsan doonto Tel Aviv haddii ay duullaan soo qaaddo.