Home WARAR UK oo isticmaalka Baraha Bulshada ka mamnuucday Carruurta ka yar 16ka sano

UK oo isticmaalka Baraha Bulshada ka mamnuucday Carruurta ka yar 16ka sano

0
59

UK oo isticmaalka Baraha Bulshada ka mamnuucday Carruurta ka yar 16ka sano

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska, Sir Keir Starmer ayaa ku dhawaaqay go’aan looga mamnuucaya carruurta ka yar 16 sanno in ay isticmaalaan Baraha Bulshada isaga oo faahfaahiyay sababta ka dambaysa go’aankaas.

Waxa uu tilmaamay in aysan Carruurtu wax faa’iido ah ku qabin isticmaalka Baraha Bulshada isla markaana saamayn taban ku tahay Mustaqbalkooda, waxa uu difaacay go’aankaan mamnuuciddda ah ee Xukuumaddiisu qaadatay.

“Maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah, waxaan si rasmi u baddeli doonnaa mustaqbalka caruurteyna, maanta waxa aan ku dhawaaqayaa in dowladda ay ka mamnuucday carruurta ka yar 16 sanno in ay isticmaalaan Baraha Bulshada” Ayuu yiri RW UK, Sir Keir Starmer

Waa uu sii hadlay waxaana uu sheegay in go’aankooda uu yahay doorashada ugu habboon ee carruurta garaadkooda lagu kobcinayo maadaama dhinac weliba ay ka eegeen arrintaan kahor inta aysan Xukuumaddiisu qaadaan qaraarkaan.

“Baraha Bulshada marnaba uma wanaagsana in ay isticmaalaan carruurta da’da yar, maxaa yeelay dowladda waxa ay leedahay doorasho ay ku mamnuucayso arrintaan, waana go’aan  saxan oo carruurta loogu diidayo baraha bulshada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Sir Keir Starmer

Tallaabada Ingiriiska uu qaaday waxaa ugu horreeyay dhowr dal kuwaas oo qaarkood ay deris yihiin, sababta ay tallaabadaas u qaadeen ayay ku difaaceen in Baraha Bulshada ay caqabad ku yihiin waqtiga Ardayda iyo Waxbarashadiisa dhinaca Garaadka.