Trump oo sheegay in ciidanka Maraykanka ay dileen hoggaamiye ay muddo raadinayeen
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Bolívar ee Koofur-bari ee Dalka Venezuela lagu dilay Hoggamiyihii Kooxda Tren de Aragua oo lagu magacaabo lagu Niño Guerrero.
Donald Trump ayaa sheegay in xogtiisa ay muddo ku daba-joogeen waxaana ugu dambayn suuragashay in la beegsado sida ku dhawaaqay madaxweynaha maraykanka oo Warbaahinta la hadlay markii uu soo gabagaboobay howlgalka.
“Taliska Koofueed ee Maraykanka waxa uu sameeyay weerar degdeg ah oo si guul ah kusoo dhammaaday waxaana lagu dilay Hoggaamiyihii Kooxda Argagixisada ah ee Tren de Aragua laguna magacaabo Niño Guerrero” Ayuu yiri Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.
Howlgalka Maraykanka waxaa gacan ka siiyay Ciidamo u dhashay Dalka Venezuela kuwaas oo fududeeyay shirqoolka lagu dilay hoggaamiyahaan maadaama ay muddo daba-joogeen dhaqdhaqaaqiisa, waxaana ugu dambayn lagu duqeeyay goobtii uu ku sugnaa.























