Muxuu ka dhigan yahay qorshaha hubka ka dhista ee Dowladda ku sameynayso Xubnaha Mucaaradka?
Howlgallo hub ka dhigis ah ayay Hay’addaha Amniga Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay ka wadeen Xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo si gaar ah loo beegsanayo degmada Cabdicasiis oo xudun u aheyd Mucaaradka.
Talista Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in ay wadaan howlgallo ay ku beegsanayaan guryaha looga shakiyo hubka sharci darrada ah.
Qoraal ka soo baxay qeybta booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in aan marna la aqbali doonin in qof uu hub ku keydsado gurigiisa.
“Qofna lagama aqbali doono inuu gurigiisa ku keydiyo ama ku qariyo hub sharci-darro ah oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo amniga magaalada Muqdisho iyo kan guud ahaan dalka. Hay’adaha ammaanku waxa ay ka qaadayaan talaabo adag oo sharcigu ogolaanayo cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay kaydinta, qarinta ama fududeynta dhaqdhaqaaqa hub sharci-darro ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliiska Soomaaliyeed.
Goobaha ay Laamaha Amniga maanta gudaha u galeen maanta ayaa waxaa kamid ah Hoteelka Elite oo ku yaalla degmada Cabdicasiis, iyadoo ilaa hadda aan la ogeyn waxa ay ciidamada ku soo qabteen howlgalkaasi.
Dhacdooyinkan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay isku dhac dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo askar kale oo taabacsan Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed, xilli ay ku kala sugnaayeen Xaafadaha Howlwadaag iyo Mirinaayo oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysatay in Siyaasiyiintaasi dib ugu soo laabtaan guryahooda oo ku yaalla Xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde, iyadoo saacado ka dib lagu guulleystay dadaalladaasi.
Dadka falanqeeya Arrimaha Amniga ayaa sheegaya in howlgallada hubka dhigista ah ay kaalin ka qaadan karaan sidii looga hortagi lahaa falalka Amni darrada, maadama sanadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ay xaaladeeda daganeyd.























