Home WARAR Maxaa ka soo cusboonaaday Wadahadallada u dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan?

Maxaa ka soo cusboonaaday Wadahadallada u dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan?

0
81

Maxaa ka soo cusboonaaday Wadahadallada u dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan?

Dhexdhexaadinta laga dhex billaabay Maraykanka iyo Iiraan ayaa lasoo wariyay in guullo muhiim ah oo hordhac ah laga gaaray sidii loosoo afjari lahaa colaaddaan xooggeeda billaabatay 28kii Febaraayo sanadkaan 2026.

Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warrantay in saddex qodob la isla gartay inkasta oo aan si rasmi ah loosoo bandhigin waxaana ay kala yihiin:

1-In waqti dheeraad ah la siiyo Xabbad-joojinta lagana dhigo 60 cisho.

2-In Marinka Hormuz ay dib u furto Iiraan.

3-In Iiraan loo ogolaado inay dhoofsato Shidaalkeeda.

Waxaa meesha laga saaray qodobkii ugu cuslaa loona arko in uu ka billowday dagaalka waana Barnaamijka Nukliyeerka ee horraantii sanadkaan 2026 ay Iiraan wadahadal ka ogolayd balse markii ay aragtay awooddeeda dagaalka qodobkaas si gaar ah meel u dhigtay.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo ah Hoggaamiye aanay go’aankiisa wax ku dhisi Karin marka la eego dhinaca Iiraan ayay u badan tahay in uu dib ugu laaban doonno Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu oo markii hore ku qalqaaliyay duullaankaan.