Wednesday, July 15, 2026
Home WARAR Raysal wasaaraha Australia oo lagu canaantay masaajid dhexdiis

Raysal wasaaraha Australia oo lagu canaantay masaajid dhexdiis

0
93

Raysal wasaaraha Australia oo lagu canaantay masaajid dhexdiis

Ra’iisul wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa lagu oriyay xilli uu ku guda jiray booqashadiisa masjidka ugu weyn dalkaas oo lagu tukanayay salaadda Ciidul Fidriga, iyadoo laga carooday mowqifkiisa ku aaddan weerarrada Israa’iil ee Gaza.

Qaar ka mid ah Muslimiinta Australiyaanka ah iyo Yuhuudda ayaa ka carooday mawqifka dawladda bidix dhexe tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Qaza, iyagoo walaac ka muujiyay Falastiiniyiinta oo marar badan ku baaqay xabbad-joojin, waxayna taageereen xaqa ay Israa’iil u leedahay inay is difaacdo.

Muuqaallo ayaa muujinayay dad mudaaharaadaya oo si caro leh u qaylinaya ka dib markii wasiirka arrimaha gudaha Albania Tony Burke uu ku biiray dadka ku cibaadaysanayay masaajidka Lakemba ee galbeedka Sydney si ay u xusaan dhammaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dadkan ayaa u sheegay Albanese iyo Burke inay “ka baxaan masjidka!”.

“Walaalayaal, fadlan is dejiya” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii soo qaban qaabiyay xafladda, isagoo dadka ugu baaqay inay fariistaan ​​oo joojiyaan duubista.