Dadka u ololeeya Arrimaha Bulshada oo Dibadbax ka dhigay Aqalka Cad
Dadka u ololeeya Arrimaha Bulshada ee Dalka Maraykanka ayaa Aqalka Cad ka dhigay dibadbax ka dhan ah maamulka Donald Trump iyo Israa’iil gaar ahaan beegsigii Iskuul ku yaalla Iiraan oo oo ay ku dhinteen in ka badan 170 Arday oo Gabdho ah.
Dadkaan waxa ay wateen Marooyin sida carruurta oo kale loosoo duubay laguna dahaaray maro cad, waxa ay ka tarjumayeen Hablahaas yar halka sidoo kale qaarkood ay wateen boorsooyinkii ay ku qaadayeen buugaagta iyo agabka kale.
Waxa ay dalbadeen inay caddaalad helaan Ardaydaas oo la beegsaday iyaga oo ku sugan goobtooda Waxbarashada isla markaana si ula kac ah loo duqeeyay marka la eego gantaallada culus ee dhowrka jeer lagu dhuftay sida ay hadalka u dhigeen.
Dhacada ka dhacday Koofurta Iiraan waxa ay dhalisay qaylo-dhaan dhinacyo kala duwan kasoo yeertay, xitaa xubno katirsan maamulka Maraykanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay beegsigaas isla markaana barmadow ku ah isbahaysiga duullaanka qaaday.
Mustaqbal
























