Wednesday, July 15, 2026
Home WARAR Trump oo NATO ka codsaday in ay ku caawiyaan dagaalka ka dhanka...

Trump oo NATO ka codsaday in ay ku caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Iiraan

0
125

Trump oo NATO ka codsaday in ay ku caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo marar badan oo dalkiisa ku tilmaamay mid ka xoog badan kana dhan Isbahaysiga ay xubinta ka yihiin ee NATO ayaa ugu dambayn isu dhiibay kana codsaday in ay ku caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Iiraan.

Donald Trump ayaa si cad u sheegay in haddii Iiraan ay sii waddo xayiraadda shidaalka ee Marinka Hormuuz oo ah 20% goobta uu maro ay ka dhallan doonto saamayn taban oo dalal badan oo xitaa kuwa xubnaha ka ah NATO gaarto.

Trump ayaa NATO hordhigay kala doorasho ku saabsan in uu Isbahaysigaan wajaho Mustaqbal xun iyo in uu hadda qayb ka noqdo howlgallada ka dhanka ah Iiraan isla markaana Maraakiib iyo diyaarado ku biiriyo dagaallada sida uu hadalka u dhigay.

“NATO waxa ay wajahaysaa Mustaqbal xun waa haddii aysan qayb nagala qaadan dagaalka ka dhanka ah Iiraan, waxa aan u baahanahay in ay inoo garab istaagaan sidii Ukraine kolkii uu Ruushka weeraray u dhinac istaageen” Ayuu yiri MW Maraykanka, Donald Trump.

Maraykanka & Israa’iil oo dhinac ah ayaa guuldarro kala kulmay dagaalka ay ku qaadeen Iiraan, Xukuumadda Tehran inkasta oo laga dilay mas’uuliyiin iyo xubno muhiim ah haddana waxa ay ka qaadday dhiirranaan iyada oo beegsatay danaha Maraykanka ee Khaliijka.