Wednesday, July 15, 2026
Home WARAR Diyaarad Maraykanka uu leeyahay oo ku burburtay Ciraaq

Diyaarad Maraykanka uu leeyahay oo ku burburtay Ciraaq

0
137

Diyaarad Maraykanka uu leeyahay oo ku burburtay Ciraaq

Diyaarad Militari oo Maraykanka leeyahay ayaa ku burburtay Galbeedka Dalka Ciraaq sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Dalkaas, Washington ayaa nooca diyaaraddaan ku sheegtay KC-135 waana mid kamid ah kuwa xamuulka ah ee qaada Shidaalka.

Taliska Dhexe ee Maraykanka CENTCOM ayaa keliya kusoo koobay in diyaaraddu ay dhacday balse ma bixin faahfaahin ku saabsan sababta ka dambaysay, tirada Dadka la socday iyo haddii haddii gurmad degdeg ah siiyeen.

Koox hubaysan oo ka dhisan deegaanka diyaaraddu ay ku dhacday ayaa sheegatay mas’uuliyadda iyada oo tilmaamtay in ay soo ridday kaddib markii ay beegsatay kuna guulaysatay sida ay hadalka u dhigtay.

Maraykanka mana beenin sheegashadaan mana xaqiijin, waxa ay tallaabadaan abuurtay dareen la xiriira in diyaaraddaan nooca Shidaalka qaada ah ay sababsatay gantaal lagu tuuray oo haleelay sidaasina ay ku dhacday.

Washington ayaa wixii ka dambeeyay 28kii Febaraayo 2026 oo ku beegan waqtigii ay weerartay Iiraan la kulantay khasaara kala duwan oo u badan diyaaradeeda casriga ah ee dhaqaalaha badan lagu sameeyay oo dhulka lasoo dhigay.