Wednesday, July 15, 2026
Home WARAR Xukumadda Somaliland oo Sii Daysay Maxaabiis u Xidhnayd Dayn

Xukumadda Somaliland oo Sii Daysay Maxaabiis u Xidhnayd Dayn

0
117

Xukumadda Somaliland oo Sii Daysay Maxaabiis u Xidhnayd Dayn

Xukuumadda JSL gaar ahaana wasaaradda Caddaaladda ayaa sii deysay 12-kii Maxbuus ee ugu horeeyey oo u xidhnaa xuquuqo madani ah balse ay ka dhamaatay mudadii xabsiga ee lagu xukumey, kuwaas oo wali lagu leeyahay Daymahii.
12-kan Maxbuus ayaa laga sii daayey xabsiyada Mandheera ee Saaxil iyo Gabiley, waxaana Wasaaradda Caddaaladda oo qorshahan bilowday ay sheegtay inay sii wadayso dadaalada xabsiyada lagaga sii deynayo dadka u xidhan xuquuqaha madaniga ah, kuwaas oo iyaga oo mudadii xabsiyadu ka dhamaatay haddana muddo dheer kusii jira ilaa inta deyntii lagu lahaa bixinayo.
Talaabadan ayaa si weyn loo soo dhaweeyey, iyada oo ka dhigan in wixii dayn ah ama xuquuq madani ah ee Maxbuuskaa lagu lahaa lagu dhameeyo dibadda isaga oo xorriyadiisa haysta.