Home WARAR Hoggaamiyaha Iiraan oo yiri “ciidamada Mareykanka waxaa ka khatar badan kuwa Iiraan”

Hoggaamiyaha Iiraan oo yiri “ciidamada Mareykanka waxaa ka khatar badan kuwa Iiraan”

0
121

Hoggaamiyaha Iiraan oo yiri “ciidamada Mareykanka waxaa ka khatar badan kuwa Iiraan”

Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ali Khamenei, ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka uu marar badan ku faano inuu haysto ciidanka ugu awoodda badan dunida, balse “xitaa ciidanka ugu awoodda badan mararka qaar wuxuu la kulmaa dhaawac uu mar kale ka soo kaban kari waayo.”

Farriin lagu daabacay akoonkiisa X maalintii Talaadada ayaa lagu yiri: “Mareykanku si joogto ah ayuu u sheegaa inay markab dagaal u direen Iiraan. Dabcan, markab dagaal waa hub ciidan oo khatar ah.”

“Si kastaba ha ahaatee, waxa ka khatar badan waa hubka awooda inuu markab dagaal ku rido gunta badda.”

Hadalkan Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan ayaa imaanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Mareykanku u diray Bariga Dhexe markab dagaal oo ay wataan ciidamada badda Mareykanka, kaas oo lagu magacaabo USS Gerald R. Ford.