Home WARAR Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay amniga badaha

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay amniga badaha

0
160

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay amniga badaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta magaalada Ankara kulan kula yeeshay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulkadir Maxamed Nuur.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada dekedaha, gaadiidka badda, ganacsiga badda iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale ee buluugga.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha maalgashi, tababarrada farsamo iyo taageerada Turkiga ee dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha dekedaha Soomaaliya.

Wasiir Hakan Fidan ayaa muujiyay sida Turkigu uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in xiriirka Ankara iyo Muqdisho uu ku saleysan yahay iskaashi istaraatiiji ah iyo saaxiibtinimo muddo dheer ah.

Dhankiisa, Wasiir Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyadoo labada dal sii wadi doonaan iskaashiga.