Trump oo kordhiyay dalalka uu xayiraadda safarka ka saaray Maraykanka
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa kordhiyay Dalalka uu xayiraadda safarka ka saaray dalkiisa, waxa uu kusoo kordhiyay Dalal dheeraad ah, ujeedka waxa uu ku sheegay in amniga dalkiisa aad loo adkaynayo.
Donald Trump ayaa marmarsiyo ka dhigtay in dalalkaas ujeedka uu uga mamnuucay dalkiisa ay tahay heerka nabadgalyada ka jirta iyo khatarta ay kala kulmi karaan dadkiisa haddii safarka loo fasaxo sida uu hadalka u dhigay.
Xayiraaddaan ayaa dhaqangeli doonta 1da Janaayo 2026 oo maalmo kooban keliya innaga xigta, waxaana dalalkaas kamid ah Falastiin, Burkina Faso, Mali, Niger, Koofurta Suudaan & Suuriya oo dhammaan xaalado dhinaca amniga uu ku mamnuucay muwaadiniintooda.
Madaxweyne Trump ayaa horay liiska dalalka uu muwaadiniinta ka mamnuucay in ay u safraan Maraykanka ku daray Soomaaliya, waxaana uu dhaliil culus u jeediyay Soomaalida inkasta oo jawaabo aanay ka miisaan yarayn uu la kulmay.
























