Maamullada Minnesota, Minneapolis & ST Paul oo kahor yimid howlgallada ka dhanka ah Soomaalida
Maamulka Gobolka Minnesota, Labada Duq ee Magaalooyinka Minneapolis iyo St. Paul ayaa si cad uga hor yimid howlgallada lagu beegsanayo Soomaalida halkaas ku nool, kaddib markii ciidamo katirsan Hay’adda Socdaalka ay billaabeen qabqabashada Dadka Soomaaliyeed.
Waxa ay sifo sharci darro ah ku tilmaameen in xaafadaha, gooobaha Ganacsiga iyo waddooyinka laga qabto Bulshada Soomaaliyeed ee xooggeeda degen Gobolka Minnesota, waxa ay sheegeen in ay qaadayaan tallaabo dhanka sharciga ah oo howlgalkaas ka dhan ah.
Duqa Magaalada Minneapolis, Jacob Frey ayaa sheegay in uu jecel yahay Bulshada Soomaaliyeed isla markaana uu garab taagan yahay, waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin dadka ugu sharafta badan ee lala dhaqmo.
“Bulshadeenna Soomaaliyeed waan jeclahay, waana idin garab taaganahay, Minneapolis waxaa sharaf u ah in ay martigeliso bulshada Soomaaliyeed ee ugu badan dalka oo dhan” ayuu yiri Duqa Minneapolis, Jacob Frey.
Sidaas oo kale, Duqa Magaalada St Paul, Melvin Carter ayaa garab istaag u muujiyay Soomaalida ku nool Magaaladaas, waxaana uu shacabka Maraykanka dib u xusuusiyay in tallaabada ICE aanay ahayn mid ka tarjumeysa xuquuqda qofka iyo sumcadda Maraykanka.
Guddoomiyaha Gobolka Minnesota, Tim Walz ayaa howlgallada jidgalka ah iyo guryo ku daashada isugu jira ee lagu beegsanayo Soomaalida ku tilmaamay mid arrimo siyaasadeed uu ka leeyahay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
“Waa Sax in la sameeyo howlgallo lagu baarayo Dambiyada balse sida wax loo wado waa howlgal warbaahineed oo bulsho gaar ah lagu beegsanayo, tani ma ahan xalka dhabta ah ee dhibaatooyinka la raadiyo” Sidaasi waxaa yiri, Guddoomiyaha Gobolka Minnesota.
Tallaabooyinka uu gadaal ka riixayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxaa loo arkaa in ay yihiin kuwo siyaasadaysan oo uu ku naas-nuujinayo xisbigiisa, si kan Mucaaradka ah awooddiisa ugu badan meesha looga saaro.
























