Jarmalka oo aqoonsaday Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Soomaaliya
Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in ay aqoonsatay Baasabaroorka Diblumaasiga ah ee Soomaaliya, waxaa tallaabadaan soo dhaweysay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.
Tallaabadaan ayay Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya ayaa tallaabadaan ku tilmaamtay mid diblumaasiyeed isla markaana fududaynaysa gelitaanka iyo degenaashiyaha dalkaas mar haddii uu aqoonsaday Baasaboorka Diblumaasiga ah.
“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay go’aanka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Jarmalka ay ku aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya, kaas oo lagu daabacay Wargeyska Rasmiga ah ee Dowladda Jarmalka (Bundesanzeiger) 1-da December 2025” ayaa lagu yiri qoraalka HSJS.
“Go’aankan cusub ayaa dhigaya in Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya si rasmi ah loo aqoonsaday gelitaanka iyo deganaanshaha ee Jarmalka, kaas oo beddelaya xeerarkii hore ee u oggolaan jiray oo keliya aqoonsiga marka laga baxayo dalka (departure)” ayaa lasii raaciyay qoraalka Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya.
Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya ayaa tallaabadaan ku tilmaamtay “mid caddayn u ah horumarka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ee dhanka amniga dukumentiyada safarka, casriyeynta adeegyada, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal sida hadalka loo dhigay”.
“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxa ay u mahadcelineysaa Dowladda Federaalka Jarmalka iyo dhammaan hay’adaha la shaqeeya arrimaha socdaalka, iyadoo ay ka go’an tahay horumarinta aqoonsiga baasaboorrada iyo nidaamyada aqoonsiga ee dalka” ayaa lagu soo gabgabeeyay qoraalka Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya.
























