Turkiga oo rajo ka muujiyay wada hadallada Ukraine iyo Ruushka
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in wadahadallada u dhaxeeya dalalka Ruushka iyo Ukraine ay meel fiican marayaan, isla markaasna rejo laga qabo in lagu guulleystaan.
Wuxuu sheegay in Turkigu diyaar u yahay inuu mar walba la fariisto Ruushka si loo helo xabbad-joojin degdeg ah iyo nabad waarta.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky oo Ankara kula kulmay Erdogan ayaa dhankiisa sheegay inuu kalsooni ku qabo dhexdhexaadinta Turkiga.
Wuxuu sidoo kale rajo ka muujiyay in dib loo bilaabo is-weydaarsiga maxaabiista kahor dhammaadka sanadkan, arrintaasi oo Turkiga dhexdhexaadinayo.
Kulanka Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Ukraine ayaa ku soo aadaya xilli dunida ku baaqeyso in la soo afjaro dagaalka Ruushka ku soo qaaday Ukraine.
Bishii July ee sannadkan ayay Turkiga ku kulmeen Madax ka kala socda dalalka Ruushka iyo Ukraine, iyadoo la isku afgartay in ay sii socdaan wada hadallada.
























