Itoobiya oo aamminsan in sababta aaney bad u laheyn ay tahay shirqool lagu sameeyay

0
5

Itoobiya oo aamminsan in sababta aaney bad u laheyn ay tahay shirqool lagu sameeyay

Itoobiya ma aha dalkii ugu horreeyay ama kaliya ee dalalka deriska ah ka dalbada marin badeed.

 

Dalal badan ayaa horey u sameeyay dalabaad la mid ah, waxaana jira kuwo weli arrintan sii wada.

 

Waxa Itoobiya kaga duwan tahay dalalka kale, waa rabitaankeeda ah in ay dib u hantido lahaanshaha marin badeed isla markaana ay halkaas ka dhisto awood ciidan.

 

Dowladda talada haysa ee Itoobiya waxay aaminsan tahay in xayiraadaha badeed ee saaran ay yihiin shirqool si ula kac ah loogu sameeyay, inkastoo ay ku taallo meel aan ka fogeyn gobolka Badda Cas — oo ah marin-gaadiidka badda ee ugu weyn adduunka.

 

Dunida oo dhan, ganacsiga — gaar ahaan dhoofinta iyo soo dejinta badda laga keeno ama loo diro — ayaa noqday mid aad u tartan badan. Sidaas darteed, dalalka aan lahayn xuduud badeed waxay si toos ah ama si dadbanba uga shaqeynayaan sidii ay arrintan xal ugu heli lahaayeen.