𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐟𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐢𝐬𝐛𝐢𝐠𝐚 𝐖𝐀𝐃𝐃𝐀𝐍𝐈

0
19

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐟𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐢𝐬𝐛𝐢𝐠𝐚 𝐖𝐀𝐃𝐃𝐀𝐍𝐈

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), (Aasaasaha, Guddoomiyihii hore ee Xisbiga WADDANI) ayaa maanta si rasmi ah uga qayb-galay Xafladda Furitaanka Xafiiska 2-aad ee Xarunta Guud ee Xisbiga WADDANIee magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan oo ahayd mid ay Hoggaanka iyo Hawl-wadeennada Xisbiga Waddani si heer sare ah u soo agaasimeen, ayaa ka dhacday Xafiiska 2-aad ee Xarunta cusub ee Xisbiga WADDANI, waxana ka soo qayb-galay Wasiirro, masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda, haldoor siyaasadeed ee Xisbiga, Haween, Dhallinyaro iyo xubno ka socday qurba-joogga reer Somaliland ee Xisbiga WADDANI.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo munaasibadda ka jeediyey khudbad qiimo leh ayaa si kal iyo laab ah ugu mahad naqay dhammaan taageerayaasha Xisbiga, gaar ahaan Haweenka, Dhallinyarada iyo Qurba-jooga, kuwaasi oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay laf-dhabar u ahaayeen guusha uu gaadhay Xisbiga WADDANI.

Sida oo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si mug leh ugu mahad naqay dhammaan haldoorkii reer Somaliland ee qaybta weyn ku lahaa dhismaha iyo taabba-galinta Xisbiga WADDANI, kuwooda nool, kuwa dhintayna Allah SWT uga baryay in uu jannada ka waraabiyo.

Madaxweynaha ayaa xusay in Xaruntan cusub ay ifafaale u tahay guusha xisbiga WADDANI beegsanayo Mustaqbalka, isaga oo sheegay in Xisbiga WADDANI uu mar walba u taagan yahay nabadda, midnimada shacabka, dimuqraadiyadda, caddaaladda iyo u adeegidda ummadda JSL.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo midnimada iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Xisbiga WADDANI uu door muhiim ah ka ciyaaray xoojinta dimuqraadiyadda, nabadda iyo hannaanka dawladnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si cad u sheegay in Mabaadi’ida iyo Jihada Siyaasadeed ee ay ku shaqayso Xukuumaddiisu ay si buuxda ugu salaysan yihiin Barnaamijka Siyaasadeed ee Xisbiga WADDANI, kaasi oo uu sheegay in uu yahay tiirka rasmiga ah ee hagaya Qorshayaasha iyo Himilooyinka Dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu bayaamiyey in Xukuumadda iyo Xisbiga dhalay aanay laba kala ahayn, balse ay yihiin laba garab oo ka wada shaqaynaya hal hadaf; kaasi oo ah horumarinta dalka, ilaalinta nabadda iyo midnimada ummadda iyo dhisidda Dawladnimo hufan oo shacabka u adeegta.