Dowladda Iiraan oo Caasimadda Tehran uga guuraysa si Biyo ku filan ay u helaan Dadka abaaruhu saamaynta taban ku reebeen
Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in ay sameyneyso dedaallo looga hortagayo Abaarta ka jirta qaybo badan oo Dalkaas ah, Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa soo jeediyay in la beeqaamiyo ama la yareeyo isticmaalka biyaha xad-dhaafka.
Sababta waxa uu ku sheegay in xalka keliya looga hortagi karo dhibaatooyinka biyaha loo qabo uu yahay in la xakameeyo biayahaas yar ee la heli karo si loo kala gaarsiiyo Dadka oo dhan sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Iiraan.
Madaxweynaha Iiraan ayaa intaas ku daray in haddii qorshaha beeqaamintu socon waayo uu goโaankoodu noqon doonno in ay isaga baxaan Magaalada Tehran ee Caasimadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
























