Trump oo qirtay in uu leeyahay mas’uuliyadda weerarkii Israa’iil ay ku qaadday Iiraan
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horraysay qirtay in uu mas’uul ka ahaa weerarkii Israa’iil ay ku qaadday Iiraan 13kii June sanadkaan 2025, hoggaamiyaan oo horay u inkiray weerarkaas ayaa ugu dambayn shaaca ka qaaday in uu qorshahaas lahaa.
Donald Trump oo Warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in ujeedkiisu ahaa sidii loo shar jabin lahaa Xukuumadda Tehran oo haysata hub halis badan isla markaana cabsi wayn gelisay Bariga Dhexe sida uu hadalka u dhigay.























