Soomaalida u safarta Masar oo dhibaato ku qabta Garoonka diyaa

0
6

Soomaalida u safarta Masar oo dhibaato ku qabta Garoonka diyaa

Soomaalida u safarta Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa dhibaato kala kulanta Garoonka Diyaaradaha ee Qaahira, waxa ay cabasho u gudbiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas si wax looga qabto.

Dadkaan oo Masar u taga arrimo kala duwan sida; Caafimaad, Waxbarasho, Dalxiisa, iyo Deegaan ayaa caqabad horleh ku noqotay dad badan oo sanadihii lasoo dhaafay dalkaas u safrayay.

Dadka dhibaatooyinka la kulmay kana cabanaya waxaa kamid ah Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cabdulqaadir Cartan oo qoraal uu arrintaan uga hadlay soo dhigay bartiisa Facebook isaga oo ku baaqay in Dowladdu soo farageliyo.