Turkiga miyuu dib uga laabtay ciidamada uu u dirayo Gaza?

0
6

Turkiga miyuu dib uga laabtay ciidamada uu u dirayo Gaza?

Magaalada Istanbul waxaa ka dhacay kulan dhexmaray Wasiirrada Arrimaha Dibadda Turkiga, Isutagga Imaaraatka Carabta, Indonesia, Qatar, Pakistan, Sacuudi Carabiya & Urdun si ay uga tashtaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Magaalada Gaza.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay weli saldhigan qorshaha ciidamada ay ugu dirayaan Magaalada Gaza maadaama qorshahaas uu yahay mid ay wadaag ku yihiin Dalal badan iyo Golaha Ammaanka.

 

Hakan ayaa intaas ku daray in Dowladda Turkiga ay weli si dhow uga warqabto taageerrada reer Gaza si looga difaaco dhibaatooyinka iyo culayska uga imaanaya Israaโ€™iil oo duqaymo aan ka fiirsi lahayn ku garaacday dhulkooda.