Nuxurka Khudbadaha Madaxweyne Xasan Shiikh iyo dhigiisa Jabbuuti
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu xusayay 25 sano guuradii shirkii dib u dhiska Dowladda Soomaaliyeed ee ka dhacay magaalada Carta ee dalka Jabuuti sanadkii 2000.
Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qeyb galay madax kala duwan oo ka socday dalalka Geeska Afrika, oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, masuuliyiin hore, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa khudbaddiisa ku xusay muhiimadda ay nabaddu leedahay iyo dadaalka ay dowladda ku bixisay xasilinta bulshada.
“Colaadda in la abaabulo way sahlantahay, nabadda in la abaabulo way culustahay, raadka ay colaaddu reebtay in uu baaba’o waqti ayay qaadataa.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.
Wuxuu intaa ku daray in masiirka dalka uu gacanta ugu jiro shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in la isku duubnaado oo la isku halleeyo awoodda iyo kartida ummadda Soomaaliyeed:
Dhankiisa, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Geelle, oo isna ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay in dadka Jabuuti ay mar walba diyaar u yihiin in ay walaalahooda Soomaaliyeed garab istaagaan, isagoo xusay in ujeeddada ugu weyn ay tahay midnimo iyo tanaasul:
“Soomaaliyeey, adinka oo kaliya ayaa dalkiina dhisan kara. Shisheeyaha intuu kuu sameynayo, in ka badan ayuu ku dhibayaa, oo in aad ku tiirsanaantan buu rabaa.” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
Shirkii Carta wuxuu qabsoomay bisha May ee sanadkii 2000 magaalada Carta ee dalka Jabuuti, ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991.
Shirkan ayaa ahaa isku daygii ugu weynaa ee dib-u-heshiisiin, waxaana kasoo qaybgalay boqolaal ergo ah oo ka kala socday beelaha, ururrada bulshada, iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Shirkaas ayaa lagu dhisay Dowladdii Kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Cabdqaasim Salaad Xasan, taas oo calaamad u noqotay bilowgii geeddi-socodka dowlad-dhiska casriga ah ee Soomaaliya.
























