Turkiga oo shaaciyay in ay dhawaan billaabayaan qodista Shidaalka Soomaaliya

0
7

Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa xaqiijiyay in Shirkadda TPAO ay si dhow u bilaabi doonto qodista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Bayraktar ayaa sheegay in talaabadani ay qayb ka tahay iskaashiga u dhexeeya labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Shirkadda TPAO ay diyaarisay dhammaan qorshihii farsamo iyo qalabkii lagu bilaabi lahaa howlgalka qodista.

“Shirkadda Shidaalka Turkiga waxay caan ku tahay awooddeeda farsamo, khibraddeeda iyo hababka casriga ah ee ay adeegsato, waxaan ka howlgali doonnaa gudaha Soomaaliya si aan u soo saarno Tamarta dalkaasi” ayuu yiri Wasiirka Tamarta ee Turkiga.