Home WARAR Turkiga Oo Khuburo Baadha Maydadka Israel U Diraya Qasa Iyo Israel Oo...

Turkiga Oo Khuburo Baadha Maydadka Israel U Diraya Qasa Iyo Israel Oo Duqaysay Lubnaan

0
126

Turkiga Oo Khuburo Baadha Maydadka Israel U Diraya Qasa Iyo Israel Oo Duqaysay Lubnaan

Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay Qasa inuu u diro qalab horumarsan iyo kooxaha injineero ah si loo baadi goobo meydadka maxaabiista Israa|l ee lagu la’yahay burburka Qasa.

Turkiga ayaa sheegay in tallaabadan uu qaadayo looga denleeyahay in dhaqan galiyo heshiiska nabada Qasa, taasoo meesha ka saaraysa cududaarka ay doonayso Israa|l inay dib ugu laabato dagaalka Qasa.

Dhinaca kale Israa|l ayaa duqeymo culus ka geysatay koonfurta dalka Lubnaan , halkaa oo tobannaan diyaaradood ay maanta ku weerartay Israa|l, oo ku andacoonaysa bakhaaro gantaallo ay leeyihiin Xisbullah inay beegsatay, sida uu weriyey telefishinka Ruushka ee RT.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Israa|l ayaa u sheegay telefishinka uu Netanyahu meelgeliyo ee kanaal 14 ; “Hadda ma jirto maxbuus nool oo lagu hayo Qasa, waxaa yimid waqtigii aan burburin lahayn Qasa.”