Maxaabiista Falastiin oo ka warramay tacadiyo iyo in si xun loola dhaqmay xabsiyada Israel

0
9

Maxaabiista Falastiin oo ka warramay tacadiyo iyo in si xun loola dhaqmay xabsiyada Israel

Maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku laabtay Gaza iyo Daanta Galbeed ayaa ku eedeeyay maamulka Israa’iil in ay si xun ula dhaqmeen, iyagoo sheegay in la garaacay, la jirdilay oo la siiyay “cunto qudhuntay”.

Ku dhawaad ​​2,000 oo maxbuus – oo intooda badan la xiray dambi la’aan – ayaa la sii daayay taasoo qayb ka ah I sdhaafsiga la haystayaasha Israa’iil iyo Xamaas.


Eedeymaha ayaa la mid ah wararka kale ee Falastiiniyiinta ee sheegaya in tacadiyo iyo jirdil loogu geystay xabsiga Israa’iil, iyo sidoo kale natiijooyinkaas in ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Ku dhawaad ​​2,000 oo Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa Israa’iil ayaa dib ula midoobay qoysaskooda taas oo qeyb ka ahayd in lagu bedesho lahaysatayaasha ay Xamaas afduubka ugu haysatay Gaza.