Trump oo Netanyahu ku qasbay in uu raalligelin ka bixiyo weerarkii uu ku qaaday Dooxa

0
20

Trump oo Netanyahu ku qasbay in uu raalligelin ka bixiyo weerarkii uu ku qaaday Dooxa

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si qasab ah raalligelin uga keenay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo muddo ku doodayay in uu ku saxnaa weerarkii uu ku qaaday magaalada Dooxa Dalka Qadar horraantii bishaan.

 

Madaxda ugu sarraysa Dalka Qadar oo Maraykanka uu rabay in ay wadahadalka dib u billaabaan ayaa shuruud ka dhigay in uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo qirtay weerarkaas uu raalligelin ka bixiyo duullaankaas.

 

Donald Trump oo gadaal ka riixaya qorshaha maamulka cusub loogu dhisayo Magaalada Gaza ayaa ku qasbanaaday sidii uu Netanyahu uga keeni lahaa raalligelintaan oo ugu dambayn ku dhawaaqay saacadihii lasoo dhaafay.

 

Waxaa lagu wadaa in ay dib u billowdaan wadahadallada Bariga xalka loogu raadinayo iyada oo markaan qorshahaan lagu jaangoynayo in hoggaanka Magaalada Gaza loo dhiibo Ra’iisul Wasaarihii hore Ingiriiska Tony Blair.