Qaza: Israa’iil oo duqeymo ku dishay in ka badan 80 qof
In ka badan 80 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu diley magaalda Qasa iyo hareeraheeda, ka dib markii ay dab saareen ciidamada Isra’il ee halkaas gulufka dagaal ka wada.
Sida laga soo xigey goobaha caafimaadka, dadka dhintay waxaa ku jirey ugu yaraan 20 carruur iyo haween barakacayaal ah oo lagu duqeeyey teendhooyin gabaad u ahaa oo ku yaal meel u dhow suuqa Firas oo ku yaal degmada Daraj ee magaalada Qasa.
Militariga Isra’il ayaa sheegay in ay duqeyn la beegsadeen labo dagaalyahan oo ka tirsan ururka Xamaas oo halkaas ku dhuumaaleysanayey.
Dhinaca kale ciidamada Isra’il oo kaareyaal ku gaashaaman ayaa ku sii siqaya bartamaha magalaada Qasa, halkaas oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan eek u dhaqan marinka Qasa