Trump oo meel fog ka istaagay weerarkii guuldaraystay ee Israa’iil ka fulisay Qadar

0
43

Trump oo meel fog ka istaagay weerarkii guuldaraystay ee Israa’iil ka fulisay Qadar

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii uu ogaaday in weerarkii Israa’iil ay ku qaadday Magaalada Dooxa xarunta Qadar inay ka badbaadeen xubnaha sare Xamaas waxa uu meel fog ka istaagay fulinta howlgalkaas.

Trump ayaa Madaxda Qadar u ballanqaaday in aanay markale dalkooda ka dhici doonin weerar kale oo Israa’iil ay fulinayaan, waxaana uu sheegay in xal siyaasadeed loo baahan yahay si aan duullaankaan u sababin xiriirka labada dhinac oo kala fogaada.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa muddo saacado ah ka aamusnaa weerarkaas, kolkii ay soo baxday natiijada ah in ay badbaadeen hoggaanka sare Xamaas ee wadahadalka xalka loogu raadinayo Gaza ayuu iska fogeeyay in ay kaalin ku lahaayeen.