Itoobiya oo maanta daahfuraysa Biyo xireenka dhismihiisu isku qabteen Masar

0
44

Itoobiya oo maanta daahfuraysa Biyo xireenka dhismihiisu isku qabteen Masar

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta daahfuraysa Biyo xireenka ay isku qabteen Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo dhaqaalaha ay galisay lagu sheegay in ka badan $5 Bilyan oo doollar, muddooyinkii dambe dib u dhiskiisa ayaa socday.

Itoobiya ayaa biyaha Nile oo ay wadaagaan waddamo ay kamid tahay Masar ka hirgelisay Mashruucaan si ay Addis Ababa u hesho faa’iido hal dhinac ah, waxa ay daahfurkiisa kusoo beegtay iyada oo Madax badan ay ku sugan yihiin Caasimadda Dalkaas.

Mas’uuliyiinta ilaa haatan la shaaciyay in ay xafladdaas ka qaybgalayaan waxaa kamid ah Madaxweynaha Kenya William Ruto, waxaa la sugayaa go’aanka ay qaataan Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeya Masar.