MW Trump oo baddelay magaca Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka

0
37

MW Trump oo baddelay magaca Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baddelay Magaca Wasaaradda Gaashaandhigga Dalkaas isaga oo ka dhigay Wasaaradda Dagaalka isaga oo go’aankaan ku sifeeyay in macluumaad badan ay heshay Dowladdiisa.

Trump ayaa Magaca Wasaaradda Difaaca uga tagay sabab la xiriirta in uu dalkiisa doonayo dib u eegis uu ku sameynayo arrimo badan sida kahortagga qorshooyinka cusub ee loo dhigayo sidaas awgeed ku qasbanaaday in uu u guuro Wasaaradda Dagaalka.

Falcelin xooggan ayaa kasoo laabatay go’aanka cusub ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump maadaama magaca Difaaca uu ka tarjumayo in uu dalkaas sugayo weerar weliba oo lagu qaado balse magacaan cusub uu yahay mid muujinaya in uu duullaan qaadayo.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa go’aamo culus qaatay tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka cad, waxaa kamid ah in uu joojiyay kaalmadii dibadda, taakulada Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay uu joojiyay iyo daandaansi uu ku sameeyay dalal kala duwan.