“Xisbiga KAAH Waa Astaanta Difaaca Qaranimada Somaliland” – Guddoomiye Maxamuud Xaashi

0
65

“Xisbiga KAAH Waa Astaanta Difaaca Qaranimada Somaliland” – Guddoomiye Maxamuud Xaashi

“Haddii aynu nahay reer KAAH, waxa aynu u taagan nahay difaaca qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland. Taasi waa sumadda KAAH. Waa xisbiga u taagan midnimada, wadajirka, iyo in aanu bulshada kala fogayn ama aan la kala abtirin,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Guddoomiye Xaashi waxa uu xusay in xisbiga KAAH uu yahay mid salka ku haya waddaniyad dhab ah iyo isu soo dhawaynta bulshada, isagoo xusay in xisbigu aanu abid ku dhaqmin siyaasad kala qaybinaysa bulshada ama beeleeyn ku salaysan.

“KAAH waxa uu rumaysan yahay in hoggaamintu tahay masuuliyad loo wado ummad, loogana baahan yahay daacadnimo, dulqaad iyo daryeel bulsho,” ayuu raaciyay.

Dhinaca kale, Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in inkastoo xisbigu yahay mucaarid, haddana ay diyaar u yihiin in ay dawladda la shaqeeyaan marka ay timaaddo danaha guud ee qaranka iyo arrimaha horumarka dalka.

“Wax kasta oo wanaagsan oo dalka iyo dadkaba anfaca, waxa aanu diyaar u nahay in aanu dawladda kala shaqayno. Mucaaridnimadu macnaheedu maaha diidmo joogto ah, ee waa dhisid iyo dabagal mas’uuliyadeed,” ayuu yidhi.