Imaaraadka Oo ku Dhawaaqay Heshiis Lagu Dhisi doono Tareen Isku-xidha Dekedda Berbera Iyo Itoobiya.

0
48

Imaaraadka Oo ku Dhawaaqay Heshiis Lagu Dhisi doono Tareen Isku-xidha Dekedda Berbera Iyo Itoobiya.

Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa dhawaan ku dhawaaqday heshiis taariikhi ah oo dhan $3 bilyan oo doolar, kaasoo lagu dhisi doono tareen isku xidha Dekedda Berbera ee Somaliland iyo magaalo xuduudeedka Tog Wajaale ee Itoobiya.

Heshiiskan ayaa qayb ka ah qorshe ballaadhan oo ay labada dhinac ku doonayaan inay ku xoojiyaan xiriirkooda dhaqaale iyo siyaasadeed. kaasoo noqon doonaa mid muhiim ah oo gacan ka geysan doona kobcinta ganacsiga iyo fududeynta isu socodka badeecadaha ee labada dal.

Mashruucan ayaa la filayaa inuu beddelo habka ganacsi ee gobolka Geeska Afrika, kaasoo Itoobiya siinaya marin cusub oo badeed, isla markaana xoojinaya muhiimadda istiraatijiyadeed ee Berbera.

Mashruucan ayaa sidoo kale ka tarjumaya isbeddelka siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika, iyadoo dalalka gobolka ay isku dayayaan inay xoojiyaan iskaashiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka dhexeeya. Waxaa la filayaa in mashruucan uu saameyn weyn ku yeesho dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka, iyadoo la rajeynayo in uu keeno fursado cusub oo maalgashi iyo horumarineed