Soo Dhaweynta Taariikhiga ah ee Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon ee Gobolka Awdal

0
27

Soo Dhaweynta Taariikhiga ah ee Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon ee Gobolka Awdal

Waxaa si weyn oo milgo, karaamo iyo sharaf leh loo soo dhaweeyay Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, kaasoo ka yimid magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Soo dhaweyntan taariikhiga ah ayaa ka dhacday xadka Somaliland iyo Itoobiya ee degaanka Goraya-cawl, waxaa ka qaybgalay madax-dhaqameed, waxgarad, suldaano, xildhibaano, xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland iyo bulsho weyn oo reer Awdal ah.

Ugaaska waxaa si sharaf leh loogu soo dhaweeyay magaalada Borama, waxaana madashaasi laga muujiyay farxad iyo ixtiraam balaadhan, suldaano ka socda gobollada dalka oo dhan, madax-dhaqameed iyo bulshada ayaa si isku mid ah u iftiimiyay qiimaha uu Ugaasku u leeyahay ummadda iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Suldaan Samater Suldaan Ibraahim Jaamac Samater, oo munaasibadii soo dhaweynta hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi.“Ugaas, ku soo dhawow dalkaagi iyo dadkaagii oo aad kala baadeen, maanta si kal iyo laab ah kuugu jecel, oo soo dhaweyntaada aan u kala hadhin.”

Suldaan Xasan Xaddi Badde, ayaa sheegay in gacmo furan iyo isku duubni bulsho lagu soo dhaweynayo.

Waxaanu yidhi.“Ugaas soo dhawow, gacmo furan iyo wadajir ayaanu kugu soo dhaweynaynaa, bulshada oo dhan fardo, baabuur iyo caleemo wadata way mahadsan yihiin.”.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada, Mudane Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay in maanta sharaf weyn ay u tahay soo dhaweynta Ugaaska guud ee beelaha Samaroon.

Waxaanu yidhi. “Sharaf weyn ayay noo tahay maanta inaan ku soo dhaweyno Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon gobolka Awdal, soo dhaweyntiisu waa mid qaran iyo mid bulsho oo isku dhafan.”

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Axmed-Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa khudbadiisii ku iftiimiyay kaalinta Ugaaska guud ee beelaha Samaroon kaga jiro bulshada dhexdeeda.

Waxaanu yidhi.“Ugaasku waa Boqor, waa Aabe, waa Umid; bulshada oo dhan ayuu mideynayaa, xukuumadduna midnimadaasi ayay ku dhisan tahay.”

Wasiirka Amniga iyo Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in Ugaaska laga sugayo dhammaanba gobollada dalka inuu safar ku soo maro isla markaana diyaar loo yahay soo dhaweyntiisa.

Waxaanu yidhi.“Ugaaska Guud anigu odhanmaayo ka Samaroon, basle waxaan leeyahay waa kii JSL. Soo dhaweyntiisu waa mid xukuumad iyo bulsho si isku mid ah u muujisay.”

Gaba-gabadii Soo dhaweyntan taariikhiga ah waxay muujinaysaa midnimada, wadajirka iyo ixtiraamka dhaqanka ee Somaliland.

Bulshada Awdal iyo madaxda dalka ayaa si wadajir ah u muujiyay qiimaha Ugaaska Guud, waxaana soo dhaweyntu noqotay mid ka turjumaysa taageerada qaranka, dhaqanka iyo horumarka bulshada.