Xamse Barre Oo si Rasmi ah u Bilaabay Hannaan uu kula Xisaabtamayo Wasiiradiisa

0
49

Xamse Barre Oo si Rasmi ah u Bilaabay Hannaan uu kula Xisaabtamayo Wasiiradiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka Golaha Wasiirrada ee ku aaddan waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradaha sanadkii la soo dhaafay, iyada oo laga duulayo howlaha horutabinta u leh xukuumadda DanQaran, si sare loogu qaado tayada nolosha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.
Isla-xisaabtanka oo lagu bilaabay Wasaaradaha ku mideysan Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ay soo bandhigeen guulaha ay xaqiijiyeen iyo qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta dalka, iyadoo la raacayo yoolalka qorshaha isbeddelka Qaranka iyo ballanqaadyadii Waxqabad ee ay horey u wada galeen Ra’iisul Wasaaraha.

Wasaaradahan ayaa soo bandhigay waxqabadyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; Kobaca dakhliga gudaha iyo hirgelinta nidaam casri ah oo maaliyadeed, fududeynta ganacsiga iyo dhiirrigelinta warshadaha, qorsheynta maalgashiyo caalami ah, horumarinta wax-soosaarka beeraha iyo nidaamyada waraabka, ilaalinta iyo maareynta kheyraadka badda, dib-u-dhiska iyo casriyeynta kaabayaasha gaadiidka hawada, Dekadaha iyo waddooyinka, barnaamijyo shaqo abuur bulsho oo lagu garab istaagayo dhallinyarada iyo bulshada ku wooda nugul.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Wasaaradaha waxaa uu su’aalo ka weydiiyey qorsheyaashooda Qaranka, si loo hubiyo inay xaqiijiyeen barnaamijyadii iyo ballanqaadkii ay horey u saxiixeen. Waxaana uu kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaalkooda iyo qorsheyaasha u dagsan, laguna xisaabtamayo Wasaarad walba shaqada ay hayso, si bulshada Soomaaliyeed loola wadaago horumarrada la gaaray.

Xukuumadda DanQaran, ayaa muddadii saddexda sano ahayd ee ay jirtay waxa ay xaqiijisay guulo wax-ku ool ah iyo yoolal muhiim u ah Qaranka, kuwaas oo horseeday kobac dhaqaale, horumar amni, dib-u-dhiska dalkeenna, adkeynta midnimada, iyo fududeynta adeegyada dowladda oo loo dhaweeyay shacabka, si loo gaaro horumar taabbo-gal ah.